Imaamka Oo Kulan La Yeeshay Mr.Farmaajo

Somalia news

Mr.Farmaajo ayaa shalay xarunta madaxtooyada kula kulmay Imaamka Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Diinah.com news…

Kulankaasi oo ahaa mid wakhti dheer qaatay Ilaa 3-saac ayaa looga dooday qodobo badan oo quseeya Xaalada Cusub ee gadoodka Ciidamada Qeybta 27-aad, Maqaamka Muqdisho, Xulista Xildhibaanada iyo xaaladda dalka, waxaana la isku weydaarsaday hadallo kulul oo si kaftan ah la isugu dhiibay.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah uga walaacsanaa kalanka hadlay Imaamka shirweynaha beesha Mudullood ee la filayo in lagu qabto magaalada Muqdisho, kaasi oo sida la sheegay Mr.Farmaajo iyo Taageerayaashiisa ay isku dayeen iney matelaad ku yeeshaan.

Shirweynaha Beesha Mudullood oo Imaamku iclaamiyay inuu dhici lahaa 27-ka bisha Soonfur oo ku beegneyd 13-kii bishan June, ayaa u baaqday arrimo farsamo, waxaana maalmihii dhowaa xoogeystay qaban-qaabadiisa, ayada oo qorshuhu yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto.

Mr.Farmaajo ayaa Soo jeediyay Qodobadaan

-In Cabdi Jiinow, Salad Ali Jele iyo Abdulahi sheikh xasan iyo Shido kasoo muuqdaan Xildhibaanada Federalka ee soo socda uuna imaamku kala shaqeeyo.
-In shirka mudulood uu ka baajiyo, bedelkiisana shir mudulood oo Mr.Farmaajo lagu taageeraayo uu qabto wixi farsama ahna waxaa kaala shaqeyn doona Cali Maxamed Geedi iyo Xubnaha Taageeraan.
-In Siyaasiyiinta Mudulood ee mucaaradka ku ah laga reebo Shababka Mudulood si ay u noqdaan kaligood.
-In Ciidamada Gadoodsan Dib loogu celiyay Gobolka Sh/dhexe.

43190cookie-checkImaamka Oo Kulan La Yeeshay Mr.Farmaajo