Share the post "Gadood ka Dhashay Fanaan ay Xireen Xoogaga Amaanka Magaalada Hargeysa…"
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Howlgal ay fuliyeen Xoogaga Amaanka Magaalada Hargeysa kuna soo qabteen Fanaan ka mid ah kuwa Magaalada Jigjiga, iyadoo xarigiisa ay ka soo baxaayaan Warar la xiriir in jir-dilo loo Geystay Fanaanka iyo kuwo kale oo martida u ahaa…
Wararka ayaa sheegay in Dad goobjoogayaal ah ay caddeeyeen in Fanaan Maxamed Xuseen Habane (Maxamed Yare) oo ku sugan boog ay la joogeen Fanaaniin kale oo degaanka ah ayaa mar qura u soo daatay Koox hubeysan oo Xoogaga Amaanka ka tirsan kuwaasoo xoog ku kaxeystay, iyadoo xubno ka tirsan Fanaaniinta Degaanka oo isku dayay iney hor istaagaan ayaa la jir dilay.
Sidoo kale fanaanka la xiray oo isna warbaahinta la hadlay kadib markii sii deyntiisa ayaa wuxuu u mahad-celiyay fanaaniinta reer Hargaysa ee garab istaaga u muujiyay iyo taliyaha sirdoonka oo uu sheegay in uu ka hawl-galay sii dayntiisa, “Nidaamka dhacay wuxuu ahaa nidaam uu khalad yari ku jiro, ciidankana qaar qaldan iyo qaar kaleba way ku jiraan, wixii khaldanaana waa la saxay, wax wayn oo la sii buun buuniyaana meeshaba ma yaalo,” ayuu yiri Maxamed Yare.