Maxaa ka Run ah in Khilaaf uu soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha & Maamulada Jubbaland & Konfur Galbeed…

Somalia news

Sadaasha Siyaasada ee xiligaan Somalia ayaa mooda inuu jiro jahwareer ka taagan jiheynta Siyaasada ee Kooxda Demu jadiid kuwaaso ku fahtay xasilinta arrimaha Gudaha, iyadoo ay horey cabasho u qabeen Maamulka Puntland ayaa hadda waxaa ku soo biiraya tabashooyin ay qabaan Maamulada Jubbaland & Konfur galbeed…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Madaxweynaha Somalia iyo Hogaamiyaha Jubbaland, iyadoo Khilaafkaan uu salka ku hayo qorshe isbedel lagu sameynaayo bisha Juun ee Wasiirka 1-aad oo shalay galab ka dhoofay magaalada Mogadishu isagoo uu wehliyo Ex Agaasimihii NISA waxeyna gaareen magaalada Qaahira, inkastoo aysan isku xirneyn Safarka aan la shaacin ee Xamse iyo Khilaafka taagan, waxaana soo xoogeysanaayo qorshe Mooshin xil ka qaadis ah oo ay wadaan 50-Xildhibaan lidina ku ah Wasiirka 1-aad.

Dhaqdhaqaaqyadaan iyo ifafaalaha muuqda ayaa tilmaamaya in Wasiirka 1-aad loo wado inuu noqdo Cumar Cabdirashiid halka Taliyaha Ciidamada Boliiska loo magacaabi doono Gen.Asad Diyaano ku darsoo Agaasime kuxigeenka Nabadsugida lagu wado inuu noqdo Cabdirashiid Janan, isbedelkaan ayaa meesha ka saaraya Miisaankii Sheekh Axmed Madoobe ku lahaa Saameyntiisa Dowladda Federaalka, inkastoo ay jiraan balanqaayo muddo kordhin cusub (1-sano) uu Xasan Sheekh u balanqaaday Hogaamiyayaasha Maamulada Gobolada.

Haddii isbeddelladan ay dhaboobaan waxaa laga yaabaa inay saameyn ballaaran ku yeeshaan muuqaalka iyo Miisaanka Siyaasada iyo amaanka ee gobolada Gedo, Jubada hoose, Konfur galbeed, Galmudug iyo Puntland, Waxay noqon doontaa mid xiiso leh in la arko sida ay u saameyn doonto Isku dheeli tirka Miisaanka Wax qeybsiga Beelaha iyo kala daadashada Xisbiga Demu jadiid oo laba garab u kala jabi doona saadaaaha socota.

319790cookie-checkMaxaa ka Run ah in Khilaaf uu soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha & Maamulada Jubbaland & Konfur Galbeed…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *