Galmudug Oo Beenisay Iney Taageertay Muddo Kordhinta

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa Qoraal uu soo saaray Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi, isagoo si adag u beeniyay in Galmudug ay taageertay sharciga gaarka ah ee muddo kordhinta loogu sameynayo Hay’adaha Dowladda Federaalka, Halka Hir-Shabelle Saacado kadib ay oggolaatay muddo kordhinta…

Wax yar ka dib markii Xildhibanaada Golaha Shacabka ay Isniintii meelmariyeen sharciga gaarka ee ku qotoma jiheynta doorashooyinka heer federaal, dalkana dib loogu celinayo doorasho qof iyo cod ah ayaa Warbaahinta Dowladda lagu baahiyay qoraal ka soo baxay Villa Somalia, oo lagu sheegayay in Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay taageereen go’aanka Golaha Shacabka.

Wasiirka Amniga Galmudug ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxaa uu ku sheegay in Madaxweynaha Galmudug uu horey u cadeeyay mowqifka Galmudug ee muddo kordhinta. Madaxweynaha Galmudug ayaana sheegay inaanu aaminsanayn wax la yiraahdo muddo kororsi, dalkuna uu doorasho aadayo.

Kaddib saacado Maamulka Hirshabelle cadaadis ku socdeen oo Madaxtooyada iyo Taliska Nabadsugida ku saarayeen inay qoraalkaan bartooda ku daabacaan ayay ugu dambeyn bartooda ku shaaciyeen warqadii horay loogu daabacay baraha bulshada Warbaahinta dowladda ee ahaa taageerada saddexda Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir ee go’aankii Golaha Shacabka ee muddo kordhinta labada sano.

110430cookie-checkGalmudug Oo Beenisay Iney Taageertay Muddo Kordhinta