Maxaa ka jira Wararka sheegaya in Saadaq Joon uu dalka ka baxay?

Somalia news

Saacadihii la soo dhaafay waxaa baraha bushada lagu faafiyey warar sheegaya inuu Muqdisho ka dhoofay Taliyihii hore ee ciidanka Boliiska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xassan (Saadaq Joon) oo shalay xilka laga qaaday, kadib warkii uu ku joojiyay Kulanka Baarlamaanka..

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyey in Saadaq Joon uusan ka bixin Magaalada Mogadishu, Wararka ay yihiin kuwo bern abuur ayna faafiyeen Taageerayaasha CBB, Wararka ayaa intaas ku daraya in Saadaq Joon oo wata ciidamo fara badan iyo gadiid dagasl oo isaga taabacsan uu ku sugan yahay dhisme ku yaalla halka la yiraahdo wadada jayga oo ku taalla agagaarka garoonka dayuuradaha Aadan cadde.

Ma cadda waxa uu damacsan yahay iyo sida uu xaalkiisu noqon doono Saadaq Joon oo ahaa taliyihii ugu awooda badnaa Muqdisho, balse wararka qaar ayaa sheegaya in xiriiro ay dhexmareen isaga iyo xubno ka tirsan Midowga Msharaxiinta ee sida weyn u mucaaradsan madaxda DF.

110470cookie-checkMaxaa ka jira Wararka sheegaya in Saadaq Joon uu dalka ka baxay?