Maxaa ka jira In Hotelka SYL loo bedelay Xarun Abaabul & Carqaladeyn Doorashada

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa in Kooxda Ololaha dib u Doorashada Farmaajaha Fashilmay ay kireysteen Hotelka SYL muddo 4-bilood, iyadoo Hoteelka loo dhalan rogay xarun abaabul iyo kicin taageerayaasha Kooxda Villa Somalia sharci darrada ku joogta…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Hoteelka SYL lagu kireeyay 70-kun oo US$ ah bishiiba, waxaana kirada fududeeyay Cabdikariin Guuleed, loona dhalan rogay Xarun abaabul dib u doorasho iyo goob laga kiciyo taageerayaasha, iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in la doonaayo in hub & Rasaas la doonaayo in lagu kediyo si loo khalkgal geliyo Doorashada.

Dhaqadhaqaaqaan ayaa la sheegay in Farmaajo & Fahad u xil saareen Saraakiil ka tirsan Villa Somalia, Boliiska, Mileteriga, NISA & CBB, waxaana ka go’an iney carqaladeeyaan Amaanka & Xasiloonida Xafaladaha Dhaaribta Xildhibaanada, Doorashada Gudoonka Golayaasha Baarlamaanka.

Farmaajo iyo Kooxdiisu waxa ay ogyihiin in aysan guul kala hoyan doonin fagaaraha doorashada Madaxweynaha, waxayna go’aansadeen in ay dalka galiyaan qalalaaso siyaasaded iyo mid amni, ka hor dhaarinta Xildhibaannada ee 14-ka April.

178930cookie-checkMaxaa ka jira In Hotelka SYL loo bedelay Xarun Abaabul & Carqaladeyn Doorashada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com