Ganacsade Lagu Dilay Godinlabe

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ah ayaa laga helayaa degaanka Godinlabe oo ka tirsan Gobolka Galguduud, kadib markii Nin hubeeysan ayaa nin Shacab ah ku dilay saakay degaankaasi….

Wararka ayaa sheegaya in Marxuumka la dilay ayaa loo bartilmaamedsaday aano qabiil, waxana uu aha qof caanka ah degaanka Godinlabe, Shaqsiga Dilka Geystay ayaa waxaa soo qabtay Xoogaga Amaanka ee Godinlabe, Meydka Marxuumka ayaa loo qaaday Degaanka Mareergur, Marxuumka ayaa goobta lagu dilay uu ku lahaa maqaayad.

Dhawanahaan Deegaano hoosyimaada Degmooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ayaa waxaa ka taganaa dilal la xariira anooyin Beeleed, iyadoo dagaalo dhacay ay khasaare balaaran geysteen.

76960cookie-checkGanacsade Lagu Dilay Godinlabe