Yaa Buuxinaaya Kaalintii USA Ee Ciidamada Somalia

Somalia news

Ciidamada Mareykanka ayaa waxey Saameyn ku lahaayeen Dalka Somalia, gaar ahaan Xagga Amaanka iyo dhismaha Ciidamada Gaarka ah, wixii ka dambeeyay Burburkii Dowladii dhexe, iyagoo dhaqaale fara badan ku bixiyeen barnaamijka la dagaalanka Argagixisada, waxayna xoog badan galiyeen sidii ay dhisi lahaayeen Ciidamo tayo…

Tirada Ciidamada USA Ee Somalia:-

Ciidamada Mareykanka oo saldhigyo ka dhistay Gobolada Dalka oo dhan, waxaana la sheegay iney Dalka Somalia k joogaan 700-Askari, iyo Tiro badan oo Ciudamo gaar ah oo Shirkado maamula (Bancroft), Waxeyna Mudadaasi tababareen 3-Urur oo Ciidamada Danab, kuwaasoo fariisimo ku leh Gobolada Dalka gaar ahaan Magaalooyinka Kismaayo, Balidoogle, Gaalkacyo, Boosaaso iyo Hargeysa.

Mareykanku, waxay joojiyeen dhaqaalihii ay tooska u siin jireen ciidamada la dagaalanka Argagixisada ee kusugnaa Soomaaliya bishii July ee sannadkan, laakiin ilaa bishan December ayay bixiyeen dhaqalaha howlgaladaas u baahnaayeen, kuwaas oo ka socda Puntland & Koonfurta dalka.

9-kii September, wafdi sare oo kasocda Mareykanka ayaa garoonka Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Somalia, waxayna xiligas u gudbiyeen inay ciidamadooda kala baxayaan gudaha dalka, ayna joojiyeen dhaqaalaha fara badan ee ay siinayeen ciidamada Soomaalida ee tababareen.

Yaa La Wareegaaya Kaalintii USA:-

Ilo Wareedyo ayaa Diinah.com news u xaqiijiyay in Dowladda Turkiga ay diyaar u tahay iney buuxiso Kaalinta ay baneeyeen Ciidamada Mareykanka, Turkigu, waxay gacanta ku hayaan Tababrka Ciidamada Boliiska Ee loo yaqaano Haramcas, iyagoo ilaa hadda tababareen in ka badan 5-Kun oo askari, waxaana ay fursad u arkaan haddii ay helan in tababarada iyo dibu dhiska howlgalka SNA lagu wareejiyo iney muddo gaaban ku dhisi karaan Ciidamo tayo leh.

76920cookie-checkYaa Buuxinaaya Kaalintii USA Ee Ciidamada Somalia