Hogaanka Jubbaland Oo Soo Saaray Qoraal

Somalia news

Maamulka Jubbaland ayaa soo saaray Qoraal ka turjumaaya mowqifkeeda ku aadan doorashada 2020/21, iyagoo ka dalbaday dowladda Federaalka in dib gacanteeda lagu soo celiyo Maamulka, garsoorka, amniga Maamulka Gobolka Gedo, taasoo ciidamo u abaabulan qaab (Beeleed) jabhadeed kana amar qaata Saraakiil ka tirsan Nabadsugida ayna la wareegeen muddo 10 bilood laga joogo…..

Sidoo kale Hogaanka Jubbaland ayaa Cadeeyay in aanay doorasho ku qaban karin Gobolka Gedo oo ay ku tilmaameen inay tahay goob aan sharci iyo kala dambeyn ka jirin ayna maamulkeeda gacanta ku hayaan ciidamo ka amar qaata shaqsiyaad shaati beeleed huwen.

Jubbaland ayaa uga digtay Madaxda dowladda Federaalka inay iska indha tiraan cabashooyinka iyo digniinaha ka soo yeeraya saamileyda siyaasadeed ee dalka oo ay ugu horreeyaan Midowga Musharaxiinta, kuwaasoo lagu dalbanayo doorasho loo siman yahay dastuurkana waafaqsan.

76990cookie-checkHogaanka Jubbaland Oo Soo Saaray Qoraal