Dil & Dhaawac Ka Dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug ayaa sheegaya in koox hubeysan oo aan la garaneyn heybtooda ay ku fuliyeen Dil qorsheysan Marxuum Dhalinyaro ah halka ay dhaawaceen Madaxa Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha…

Wararka ayaa sheegay in xalay Waqooyiga Gaalkacyo waxaa lagu dilay Marxuum Cirro Xaaji Cali oo ka mid ahaa dhalinyarada magaaladaas, Wararka aan la xaqiijin ayaa sheegaya in marxuumka ay haleeshay rasaas ay fureen ciidamo howlgal ku jiray.

Dhanka kale Gaalkacyo waxaa xalay lagu dhaawacay Cilmi Cali Guuleed oo ah madaxa Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda Somalia ee gobalka Mudug. Mas’uulka ayaa dhaawac ka soo gaaray madaxa, kaddib markii ay toogteen koox aan haybtooda la garan.

Laamaha Amniga Puntland ayaa weli hadlin dilka iyo dhaawaca saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyadoo sidoo kale 2-maalmood ka hor ay Xabsiga Magaalada ka baxsadeen 3-Dembiyayaal Dil lagu xukumay oo ka tirsan kooxda Argagixisada.

201230cookie-checkDil & Dhaawac Ka Dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo