Share the post "Ganacsatada Qaadka Kenya Oo Cabasho ka Keenay Koox Gadisley Soomaali ah.."
Dalad ay ku mideysan yihiin Ganacsatada Qaadka ee dalka Kenya (Nyambene) ayaa wel wel weyn ka muujiyay in ganacsiga qaadka ee Somalia uu u xiran yahay koox qowleysato ganacsato ah, kuwaasoo si gaar ah u maamula tirada Qaadka maalinkasta la geeyo Somalia..
Wararka ayaa sheegaya in Daladaan ka Ganacsata Qaadka ee dalka Keya ayaa ku tilmaamay arrintaan mid si weyn u dhaawacaysa nidaamka tartanka suuqa, waxayna carqalad ku noqotay sida ay sheegeen hirgelinta nidaamka qiimeynta cusub ee ay Maamulka Ruto ee Kenya soo saartay.
Nyambene ayaa ku tilmaamtay in heerkani uu keeno in beeraleyda iyo ganacsatada kale ee yaryar aysan helin fursad ay si caddaalad ah uga faa’iideystaan wax soo saarkooda. Waxay sidoo kale muujiyeen in nidaamka cusub ee qiimaha uu noqonayo mid aan dhaqan geli karin inta uu jiro in dhoofinta Qaadka ee loo dhoofiyo Somalia uu u xiran yahay hal koox, taasoo hoos u dhigeysa dakhliga beeraleyda.