Ma Dhabaa in Ciidamada ATMIS ay Wareejinayaan Amniga Madaxtooyada..

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa laga helayaa qabanqaabo ay Ciidamada ATMIS ay berito ku wareejinayaan Amaanka Madaxtooyada Ciidamo isugu jira kuwa BD ee Madaxtooyada iyo Boliiska gaarka ee Haramcad, Xafladaan ayaa lagu wadaa iney maalinta berri si rasmi ah ula wareegaya amniga guud ee Madaxtooyada Villa Somalia..

Sida uu Bartiisa X ku soo qoray La Taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin, ayaa sheegay in “Amniga guud ee Madaxtooyada oo ay ku jiraan Xafiiska Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Baarlamaanka oo horay gacanta ugu hayay tan iyo sanadkii 2007-dii Ciidanka Midowga Afrika ka socday howlgalkoodii horey AMISOM iyo Midka hadda ATMIS.

Bilihii ugu dambeeyay Waxaa tababaro loogu qaaday Ciidamo ka tirsan Guutada Boliiska Dableyda Madaxtootada Dalka Serbia, iyadoo Ciidamadaasi uu ka mid ahaa Wiilka Madaxweynaha oo Aabihiis u dalacsiiyay Gaashanle Sare, Ciidamadaan ayaa la wareegaya Amaanka xarunta halka Kuwa Haramcad ay daafaha xarunta la wareegayaan.

293670cookie-checkMa Dhabaa in Ciidamada ATMIS ay Wareejinayaan Amniga Madaxtooyada..