Rajada Shirka & Qodobada Miiska Saaran

Somalia news

Inkastoo rajada iney Shir ay Wakiilada Beesha Caalamka iskugu keenaan Dhinacyadaan Siyaasada isku ay aad u yar tahay, hadana waxaa si gaabis ah daaha gadaashiisa u wadaan dadaalo iyo culeys saar Saaxiibada Somalia, Farmaajo iyo Kooxdiisa ayaa u muuqda kuwo is adkeynayo….

Qodobada Miiska u saaran Deni iyo Axmed

-Warqad Farmaajo inuu qoro la mid ah tii Xassan Shiikh 2016.
-Heshiiska Baydhaba oo qodobadiisa si waafi ah looga heshiiyo.
-Amniga Doorashooyinka oo laga dhex saaro Mas’uuliyiinta Boliiska NISA iyo Militariga.
-Murashaxiinta oo doorkooda campaignka loo ogolaado.

Qodobada Farmaajo miiska usaaran
-In Farmaajo Shirka Casumo.
-In Villa Soomaaliya lagu wada hadlo.
-InSoomaalida kaliya ay wada hadasho.
-In shirku noqdo saxiix kaliya

Maqnaanshaha Qoorta Lafta Gareenada Mogadishu:-

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ilaa Hadda ay Magaalada Mogadishu ka maqan yihiin Qorqor iyo Lafta gareen kuwaasoo ku sugan Magaalada Istanbul (Turkey), waxaana soo baxaaya warar is khilaafsan kuna aadan ineysan maalmahaan u soo socon Magaalada Mogadishu (Xaalado Caafimaad awgeed), halka warar kale ay tilmaamayan in Villa Somalia ay culeys ku saartay ineysan soo noqon xiligaan si shirku uu u baaqdo.

101360cookie-checkRajada Shirka & Qodobada Miiska Saaran