Ganacsatada Qaadka Oo Cabasho Ka Muujiyay

Health

Ganacsatada Qaadka iyo Beeraleyda Mira-ga ee Magaalada Meru dalka Kenya ayaa waxay dhigeen banaanbaxyo ay kagasoo horjeedaan xayiraada saaran Qaadka Somalia loo dhoofin jiray oo ku dhawaad muddo saddex bilood xayiran….

Ganacsatada Qaadka oo fariin u diray dowladooda ayaan rumeysan Qaadka la’aantiisa (Meru) in magaaladoodu ku noolaan doonto faqri aad u xun.

Waxay sidoo kale walaac hor leh ka muujiyeen xayiraada saaaran xaafadda Islii ee Soomaalidu ku badan tahay, kadib markii lagusoo rogay bandow xoogan, taasoo keentay inuu istaago ganacsigii Qaadka ee xaafaddaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa u xayirtay soo dejinta Qaadka dalka gudihiisa iyadoo laga hortagayo faafitaanka cudurka safmarka ah ee coronavirus.

Balse, Qaadka ayaa magaalada Muqdisho iyo degaano katirsan gobolada Konfurta Dalka ku taga hab qarsoodi ah, iyadoo la adeegsanayo in lagusoo Qaado Doomo kasoo shiraacda xeebaha gobolka Lamu ee Kenya, waxeyna soo gelinta ka qeyb qaata Ciidamada Dowlada.

Isbahaysiga ganacsatada daroogada, beeralleyda, ururada ganacsatada iyo kooxaha diimaha ee Kenya waxay u ololeynayaan inay ku guuleystaan dhoofinta alaabada ay ka mid yihiin Qaadka, iyagoo dowladaha Kenya iyo Somalia ugu yeeray inay xayiraada ka qaadaan qaadka.

35350cookie-checkGanacsatada Qaadka Oo Cabasho Ka Muujiyay