Dagaal Beeleed Khasaare Geystay Oo ka Qarxay Degaan Hoos taga Galbeedka Gobolka Sanaag..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya tuulo hoos tagta degaanka Ceel Afweyn ee Galbeedka Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaasi uu ka qarxay dagaal beeleed la isku adeegsanaayo hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo la soo wariyay inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacyo…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Dirirtaan beeleed uu bilowday aroornimadii hore saaka oo Jimce ah wuxuuna u dhaxeeyaa laba beelood oo marar hore ku dagaalamay degaanka Dararweyne, iyadoo uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo uu sababay dagaalka inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin.

Colaada Maleeshiyaadka Labada Beel ee Habar Yoonis iyo Habar jeclo ayaa sanadihii u dambeeyay ku soo noq-noqotay degaannada dhaca galbeedka gobolka Sanaag gaar ahaanna Ceel Afweyn iyo Dararweyne, isku dayo badan oo Nabad lagu kala dhex dhigaayo Beelahaan ayaa shaqeyn weyday.

293370cookie-checkDagaal Beeleed Khasaare Geystay Oo ka Qarxay Degaan Hoos taga Galbeedka Gobolka Sanaag..