Ganacsatada Qaadka Puntland oo Eedeyn iyo Fara Gelin u Jeediyay Qoyska Saciid Deni…

Business Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Qaar ka mid ah ganacsatada Qaadka ee geeya Degaanada Puntland ayaa eedeyn iyo cabasho ka Muujiyay fara-gelin ay sheegeen in xubno ka tirsan Qoyska Madaxweyne Deni ku hayaan ganacsigooda…

Wararka ayaa sheegaya in waar ka mid sh Ganacsatada Qaadka oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in wiil uu dhalay Mr.Deni oo shaar dowladeed u soo xirtay, islamarkaana ka ganacsada qaadka uu fara-gelin ku hayo ganacsigooda qaadka, si uu macaash uga raadiyo, waxeyna sheegeen “Ganacsigii Qaadka iyo diyaaradii noo keeni jirtay waxaa nagu haysta wiilka uu dhalay madaxweyne Deni, arrintaasina nama qabato, waxaan nahay Canshuur-bixiyaal. Marka waxaan rabnaa arrintaa wax laga qabto” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada Jaadka oo baaq u diray Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Gadisleyda Qaadka oo hadalkooda sii wata ayaa Madaxweyne Deni ka codsaday inuu xiisadaan soo fara geliyo waxna uga qabto cabashada ay ka muujinayaan Wiilkiisa oo sida ay sheegeen hor taagan in ay soo degto diyaaraddii Jaadka uga keeni jirtay Nairobi, Magaalada Mogadishu ayas sidoo kale Caruurta Xasan Gurgurte ku milmeen Xafiiysyada Dowlada iyo Ganacsiga, taasoo meesha ka saartay Hufnaanta iyo Cadaalad u adeega Shacbiga.

359210cookie-checkGanacsatada Qaadka Puntland oo Eedeyn iyo Fara Gelin u Jeediyay Qoyska Saciid Deni…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *