KARAASH OO SHEEGAY IN UU XILALKII KA QAADAY WASIIRO KA TIRSAN PUNTLAND 

Somalia news

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa Qoraal kale ee uu soo saaray ku sheegay inuu xilalkii ka qaaday Wasiiradda Maaliyadda Xasan Shire Abgaal, Arrima Gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Amniga Cabdisamed Galan…

Qoraalkaan ayuu Axmed Karaash ku sheegay inuu C/risaaq Mire Xassan (Gaawiido) u magacaabay Wasiirka Maaliyada, halka Cabdiqani Xaashi Cali Ciise (Bumbo) u magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta, sidoo kale wuxuu Axmed Xaaji Ibraahim Cartan (Bakiin) u magacaabay Wasiirka Amniga iyo DDR-ta.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa horay u sheegay in aysan dhaqangal ahayn wareegto kasta oo uu soo saaro Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, wuxuuna sheegay inuu Dalka ku sugan yahay isla markaasna uusan u idman inuu Maamulka uu hogaamiyo.

Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa maalinba maalinta ka dambeysa cirka isku sii shareeraya, iyadoo Madaxweyne Deni ku mashquulsan yahay ololaha doorashada madaxweynaha Dowladda Federaalka.

186810cookie-checkKARAASH OO SHEEGAY IN UU XILALKII KA QAADAY WASIIRO KA TIRSAN PUNTLAND