Qaraxyo Lala Eegtay Ciidamada Kenya Kaasoo Khasaaro Ka Dhashay

Africa News

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya, qarax lala eegtay Ciidamada Kenya kuwaasoo Safar ku jiray xiligaasi, khasaaro iskugu isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaasi dhacay, wuxuuna ka dhacay duleedka magaalada Lamu ee Waqooyi bari Kenya…

Wararka la helay ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso uu ka dhacay inta u dhaxaysa deegaannada Kiyuunga iyo Shangaani oo ka tirsan Magaalada Laamu, isla markaana lala beegsaday Gaari Ciidan oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya.

Lama oga khasaaraha inta uu gaarsiisan yahay, balse waxaa laga soo warrinayaa in Askarta Keenyaanka ah la gaarsiiyay dhimasho iyo dhaawac, Sarkaal u hadlay Ciidamada Kenya ayaa xaqiijiyay qaraxaas, balse faah faahin dheeraad ah kama bixin khasaaraha ka dhashay, Tira dhowr jeer ah ayaa Ciidamada kenya lala beegsaday qaraxyo iyo weeraro kala duwan, waxana Masuuliyadda sheegan jiray Ururka Al-shabaab.

247220cookie-checkQaraxyo Lala Eegtay Ciidamada Kenya Kaasoo Khasaaro Ka Dhashay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com