Ganacsato Qeylo Dhaan Ka Keenay Xayiraada Xuduudaha

Somalia news

Waxaa xiliyadii ugu dambeeyay aad u soo kordhaayay cabasho iyo qeylo Dhaan ay keeneen Ganacsato Soomaali iyo Kenya ah, kuwaasoo aad uga gilgilshay Xayiraad daba dheeraatay Ee Dowladda Kenya ku soo rogtay Dhaqdhaqaaqa Badeecadaha Xuduudaha isaga gudbi jiray…

Ganacsatada Qaadka iyo Kaluunka qalalan Ee is-maamulka Lamu u iibin geyn jiray Magaalooyinka Kismayo iyo Muqdishu oo muddo 2-sano ah ay xayiraad ku soo rogeen Dowlada Kenya oo adeegsaneysa Ciidamadeeda Xuduudaha ku sugan, waxeyna ugu baaqeen in si deg deg ah loo qaado xayiraada.

Sidoo kale Ganacsato Soomaalida Ee badeecado kale duwan u iib geyn jiray Suuqyada Degaanada Waqooyi-Bari iyo Magaalada Nairobi ayaa codkooda ku biiriyay in Dowladda Kenya ay qaado xayiraada ay ku soo rogtay dhaqdhaqaaqa Ganacsiga labada, isla markaasna ay wada hadalo dhibaatadaasi la xiriirta la furto Dowladda Somalia.

Bishii April ilaa Luyliyo Ee 2020, ayaa la sheegay in Ciidamada Kenya ay gubeen Kaluun qalalan oo lagu qiimeeyay 5-Million Oo Shillings Kenya, sidoo kale waxey la wareegeen Shixnado Sokor iyo Qalab Spars oo Gadiidka ah kuwaasoo si suuq madow ah lagu gelinaayay dalka Kenya.

Muqdishu Iyo Nairobi ayaa Xiriirkoodu aad u xumaaday wixii ka dambeeyay markii uu xilka la wareegay Maamulka Farmaajo, iyadoo labada dal ay isku hayaan Dacwad Badda Ee hortaala Maxkamada Caalamiga ah ee ICC, inkastoo dadaal aan xoog badneyn la qaaday hadana Dhibaatada ka dhalatay Siyaasada waxeyna ku dhaceysa Dadka Shacbka ah ee labada Dal.

70260cookie-checkGanacsato Qeylo Dhaan Ka Keenay Xayiraada Xuduudaha