Rooble Oo Kulan Wada Tashi Ah Ugu Baaqay Maamulada Gobolada

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa in Hogaamiyayaasha Soomaalida oo la filaayo in Kulan khuseeya Arrimaha Doorashada ku yeeshaan todobaadka soo socda Magaalada Mogadishu, kadib markii khilaafyo iyo muran u hareeyay qabashada Doorashada iyo Guddiyada maamulaaya Ee Waqooyiga…

Kulankaan oo Warar kala duwan ay ka soo baxaayaan ajandihiisa, iyadoo sidoo kale ay kulamo la yeelan doonaan Wakiilada Beesha Caalamka oo ilaa hadda laga la’yahay Maalgelinta dhaqaalaha ku baxaaya Doorashada, Sida u u xaqiijiyay mid ka mid Saraakiisha ku howlan diyaarinta Kulankaan.

Qodobada Miiska Saaran:-

-Dhimida Ergada iyo Degaan Doorashada, waxaa laga yaabaa in Madaxdu isla soo qaadaan qodobada la xiriira in la dhimo tirada ergada Ee soo dooraneysa Mudanayaasha Baarlamaanka iyo in lagu soo koobo degaan Doorashada hal degaan sababo la xiriira dhaqaale la’aan.

Sikastaba ha ahaatee hadii lagu heshiiyo in isbedel lagu sameeyo Heshiiskii 17-kii September, waxey ka dhignaan doontaa in dib loogu noqdo Doorashadii 2016-kii, talaabadaan oo u muuqaneysa in fashil uu ku soo dhamaanaayo Maamulka Farmaajo.

133220cookie-checkRooble Oo Kulan Wada Tashi Ah Ugu Baaqay Maamulada Gobolada