Qorqor Oo Lagu Weeraray Garoonka Diyaaradaha Dhuusa mareeb

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah Ayaa laga soo sheegaya isku day dil oo ay maleegeen koox ka tirsan maleeshiyaadka Shababka, kuwaasoo weerar gaadmo ah ku qaaday Diyaarad uu la socday Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mr.Axmed Qorqor….

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Xubno la socday wafdiga madaxweynaha ay sheegeen in ilaa sideed xabadood oo laga riday qoriga loo yaqaano (Zuu23-mm) ay Dabley daacad u ah Kooxda argagixisada Shababka ay ku rideen diyaaradda, daqiiqado yar kadib markii ay hawada gashay.

Xubnaha oo naga codsaday inaan adeegsan magacyadooda ayaa noo sheegay in shaqaalada Hey’adda duulista rayidka qeybtooda ka howlgasha Dhuusamareeb ay duuliyaha ku war-geliyeen inay rasaas ku socoto, isla markaana uu jiha kale u weeciyo diyaaradda.

Wararku waxay intaas ku darayaan in diyaaradda oo u socotay Muqdisho ay gashay wareeg dheer, isla markaana ay dulmartay degmada Gurceel oo 60 KM koonfur galbeed uga beegan Dhuusamareeb, iyadoo xili dambe ay si nabad ah ku degtay garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdishu.

70220cookie-checkQorqor Oo Lagu Weeraray Garoonka Diyaaradaha Dhuusa mareeb