Garoowe:-Ku Dhowaad 20-Kun Oo Bukaan Dalka Dibadiisa loo Qaaday Adeeg-yari Caafimaad..

Health Somalia news

Warbixin welwel xambaarsan ayaa daaha ka rogeysa in Dadka ku nool Degaanada Maamulka Puntland ay cabasho ka keeneen adeeg yari Caafimaad ee Isbitaalada taasoo ku riixday Ehelada Bukaanada iney Isbitaalada Dalalka kale loo qaado si loo la tacaalo cudurada Bukaanada soo ritay…

Daraasad dhawaan ay soo saartay Hay’adda Cilmi-baaris oo fadhigeedu uu yahay magaalada Garowe ayaa waxyaabaha looga hadlay ka mid ah iney walaac ka muujisay tayada Daawooyinka, Khibradda Hawlwadeenada Caafimaadka iyo hagaajinta xeerarka sugnaanta qalabka, Dad badan ayaa saluugsan dayaca baahsan er kaabayaasha Caafimaadka Degaanada Maamulka Puntland, ku darsoo dhibaatadan taagan waxey sii adkeysay xiriir xumida muddada Sanooyinka ah u dhaxeeya Maamulka Puntland iyo Dowlada Federaalka.

Warbixintaan ayaa lagu xusay in Xarumaha caafimaadka Puntland maahan kuwa u diyaarsan daboolidda baahiyaha bukaanada wajahaya xaaladaha adag ee caafimaad darro ee Muwaadiniinta ku nool degaanadaasi, iyadoo ay u kordheen tirada Bukaanada uu soo ritay Cudurka Cancer-ka iyo kuwo kale, Tirada Bukaanada ayaa lagu sheegay iney kor u dhaafayaan ilaa 20-Bukaan kuwaasoo loo qaaday Dalka Dibadiisa.

Bukaanada xaaladaha caafimaad u aada dalka dibadiisa waxay isugu jiraan kuwa kiisaskooda aan gudaha waxba looga qaban karin iyo qaar aan kalsooni ku qabin tayada daawooyinka iyo aqoonta Dhaqaatiirta Isbitaallada ka shaqeeya, cudurka Kansarka wuxuu ka mid yahay kiisaska ugu badan ee keena inay xarumaha caafimaadka Puntland wax ka qabashadoodu ku adkaato, taasoo dadka qaar ku dhalisa inay daryeel caafimaad u aadaan Dalalka India Malesia, Turkiye iyo Ethiopia.

362710cookie-checkGaroowe:-Ku Dhowaad 20-Kun Oo Bukaan Dalka Dibadiisa loo Qaaday Adeeg-yari Caafimaad..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *