Mareykanka Oo Kordhiyay Dhaqaalaha ay Saareen Horjooge/Kuxigeenka Kooxda Shababka..

Somalia news

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Mareykanka ayaa sheegtay in lacag dhan 5 milyan oo dollar ay ku  abaalmarineyso qof  kasta oo soo sheega Abuukar Cali Aadan oo la tilmaamay inuu yahay kuxigeenka 1-aad ee Horjoogayaasha kooxda Argagixisada Shababka ee ku sugan Somalia..

Qoraalkaan oo ay soo saareen Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Dalkaasi, ayaa lagu sheegay in dhaqaalahaasi la siin doono cid kasta  oo keenta xog la xiriirta Horjoogahaasi iyo sida loo heli karo, kaasoo dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolka Hiiraan.

Bishii Jannaayo 2018, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Horjooge Abuukar Cali Aadan u aqoonsatay Argagixiso Caalamiga ah, kadib markii kooxdiisa la tilmaamay iney khatar ku yihiin muwaadiniinta Mareykanka , Amniga Qaranka, Siyaasadda dibada iyo Dhaqaalaha Mareykanka.

kooxdaan xagjirka ah ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weeraro badan oo ka dhacay  Somalia, Uganda iyo Kenya, gaar ahaan weerarradii ismiidaaminta ahaa ee July 11, 2010 ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 70 qof oo uu ku jiray qof Mareykan ah.

Sidoo kale kooxdaasi waxa ay sheegatay weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate ee magaalada Nairobi sanadkii 2013, halkaasi oo ay ku dhintay in ka badan 60 qof waxaana ku dhawacmay ilaa 200 oo kale.

279650cookie-checkMareykanka Oo Kordhiyay Dhaqaalaha ay Saareen Horjooge/Kuxigeenka Kooxda Shababka..