Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Xeerka Doorashooyinka ee Qof & Cod oo Muran Dhaliyay & Sababaha..

Somalia news

Dhawaan ayaa kulankoodii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka waxey ku ansixiyeen Xeerka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Dalka iyo Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasada, iyadoo ay ka dhalatay fal celin iyo diidmo xoogan..

Labada Xeer ayuu Maamulka Villa Somalia ku doonayaa in lagu hago doorashada soo socota ee Dalka, waxey isku xireen wakhtiga ay dhacaayaan Doorashooyinka heer Federaal iyo kuwa Maamul goboleedyada halka kuwa Dowladaha hoose la siiyay wakhti gaar ah, Xeerkan ayaa ku saleysan isbedel lagu sameeyay qeybo ka mida Dastuurka KMG ah, kaasoo weli qabyo ah iyo in Madaxweynaha toos loo doorto, laba xisbi siyaasdeed iyo muddo xileed 5 sano ah.

Maamulka Villa Somalia waxey ku adkeystay inay Dalka ka dhacdo Doorsaho ‘QOF IYO COD’ ah, iyadoo ay jiraan caqabado badan wakhtiga uga haray Muddo Xileedka Madaxweynaha aan lagu wada qaban karin howshaan baaxada leh ayna ugu horeeyaan Qodobodaan:-

-Iyadoo ay Qabyo tahay Howshii la dagaalanka Kooxaha argagixisada oo degaano badan oo Gobolada ay Maamulaan.

-Tirakood rasmi ah oo lagu kalsoon yahay aan Degmooyinka Dalka laga sameynin.

-Amni Xumo baahsan, Dhaqaale la’aan.

-Maxkamad Dastuuri ah oo aan weli la dhisin.

-Khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Villa Somalia iyo Maamulada qaarkood kuwaasoo Maamulkoodana uusan hoos imaanin Villa Somalia xiligaan diyaarna u aheyn iney doorashada kala shaqeeyaan Kooxda Demu jadiid.

-Malafka Maqaamka Magaalada Mogadishu qorshe cusub oo aan soconeynin soo bandhigeen Kooxda Villa Somalia kaasoo durbadiiva diidmo xoogan laga keenay.

Mucaaradka iyo Maamulka Puntland ayaa diidan Qorshahaan, hadaba maxey diidan yihiin maxeyse Villa Somalia Xaq u leedahay:-

1-Ma jirto koox diidan iney Dalka ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah balse waxaa la diidan yahay meeris iyo aniga iri iyo in Sanadka ugu dambeeya mashruucaan si boorka laga jafo Muddo kororsi loo sharciyeysto.

-Maamulada Gobolada Konfur Galbeed, Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabelle ayaa sifo asn sharci aheyn muddo 2-sano ah ku joogo muddo kororsi ay Villa Somalia u ansixisay.

-Dalkaan Kooxaha Siyaasada ee Danleyda ah waxaa qaamuuskooda ka maqan is-tanaasul iyo wada shaqeyn si Nidaamka Dowladeed wadajir loo dhiso.

339070cookie-checkGolaha Wasiirada oo Ansixiyay Xeerka Doorashooyinka ee Qof & Cod oo Muran Dhaliyay & Sababaha..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com