Maxaa Ka Run ah In Dhalinyaradii Tababarka Eritrea u jirtay loo soo Wado Gedo

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Dhalinyaradii Soomaaliyeed ee tababarka lagu siinaayay 3-Xero oo ku taal Dalka Eritrea lagu wado in loo soo gudbiyo Gobolka Gedo, iyagoo la sheegay in la soo dhex marsiinaayo Dhulka Ethiopia…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Dowladda Ethiopia ay Tiro badan oo Busas ah ugu deeqday Dhalinyaradaan isla markaasna oggolaatay iney dalkeeda soo dhex maraan, si loo gaarsiyo Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, iyadoo qabanqaabada Howshaan loo xil saaray loo xil saaray Horjooge Kulane-jiis, Sarkaal lagu magacaabo Tuur iyo Tashuma Ayelo oo ah Sarkaal Oromo Ethiopian ah.

Warbaahinta gudaha ayaa soo tebisay in Qorshe duulaan ay wada dejiyeen Saraakiisha ENDF, Somali Liyuu iyo kuwa Beesha Mareexaan, wuxuu ku wajahan yahay Maamulka Jubbaland, iyagoo bartilaameedkoodu yahay magaalada Ceelwaaq halkaasoo lagu wado in lagu qabto Xulshada dadban ee Xikdhibaabanada degaan dooraahadoodu tahay Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Labadaan Nin iyo Tuur ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku mashquulsanaa sidii Dhalinyaradaan loogu diyaarin lahaa iney ka qeyb qaataan dagaalo qorsheysan oo lagu qaado Magaalooyinka Ceel Waaq iyo Bu’aale.

181600cookie-checkMaxaa Ka Run ah In Dhalinyaradii Tababarka Eritrea u jirtay loo soo Wado Gedo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com