Qorshe Caqabado ah Oo Kooxda Farmaajo Carqaladeynta Xaflada 14-April

Somalia news

Waxaa soo shaac baxaaya qorshe guracan oo ay Kooxda Farmaajo ay ku doonayaan iney ku carqaladeeyaan Munaasabada Dhaarinta Xildhibaanada ee 14-April, iyadoo 3-Qorshe ay dejiyeen sidii loo joojin lahaa Xafladaasi…

Kooxdaan ayaa diidan in la qabto Xaflada Dhaarinta Xildhibaanada, iyagoo ku marmarsiyoonaaya in marka hore la dhameystiro Tirada guud lana qaba doorashada 16-ka Xubnood ee Gobolka Gedo, sidoo kale culeysyo badan kadib ay Xalay ku qaadatay Gudoomiyaha Guddiga Doorashada iyo Labada Xoghaye ee Labada Aqal iney shaaciyaan Liiska Xildhibaanada.

Caqabada 2-aad, Kooxdaan ayaa abaabushay xubin Guddigga Doorashada ka mid ah (Xoghayaha Cabdiraxman C/Casiis) kaasoo soo saaray Qoraal loo diyaariyay isagoo isku dayay inuu beeniyo Liiska Xildhibaanada la shaaciyay.

Caqabada 3-aad:- Waxaa la sheegay in Madaxweynayaasha Konfur galbeed iyo Galmudug ay culeys ku saaraan Xildhibaanada cusub ineysan ka qeyb gelin Xaflada dhaarinta si ay u baaqato, iyadoo inta badan Xildhibaanada labada ka soo galay ay ku sugan yihiin magaalada Mogadishu.

Caqabada 4-aad:- Waxaa laga cabsi qabaa in Qalalaase siyaasadeed iyi mid amni la abuuro si loo joojiyo Xaflada Dhaarinta, waxaana la sheegay in Ciidamada NISA & Boliiska ee Garoonka Diyaaradaha la howlgelin doono si ay uu joojiyaan Xaflada.

179050cookie-checkQorshe Caqabado ah Oo Kooxda Farmaajo Carqaladeynta Xaflada 14-April