Googlaha Oo Lagu Eedeeyay Iney Dhul Soomaaliyeed Ethiopia Ka Dhigaan

Somalia news

Somalia oo mudo dheer ku jirtay dhibaatooyinkii ay horseeday nidaam La’aanta, waxaana sidoo kale dayacaad badani soo gaartay ka mid ah dhinaca juqraafiyada dhul, bad iyo cir. Maanta aduunka waxaa jehaynaya iclaanka technolojiyada xambaarsan oo uu ugu weyn yahay Internet-ku iyo arimaha la halmaala…

Magaalada Galdogob waa degmo muhiim ah oo ka tirsan Gobolka Mudug Somalia, qaybta muujisyada juqraafiga dhulka iyo wadamada ee shirkadda weyn ee Google waxay magaaladaasi ugu suntan tahay iney ka mid tahay dalka Ethiopia, lama garanayo sababta keentay arinkaan, ma satellite-kooda ayaa u qabtay in magaaladaasi ka mid tahay dalkaasi, ma dowladda Ethiopia ayaa u gudbisay warbixino khaldan in Galdogob ka mid tahay dalkeeda lama garanayo.

Shabakadda Wikipedia oo ah mid uruurisa macluumaadka aduunka, ahna shabakad aad loogu kalsoon yahay ayaa Goldogob ka qortay sidan:

(Galdogob, also spelled Galdogob, is a border town wholly administered by the semi-autonomous Puntland State of Somalia, and serves as the capital of the Galdogob District within the Mudug region.Wikipedia).

Marin habaabinta ku jirta Google Map waa mid u baahan in Wasaaradaha Arrimaha Dibeda iyo Teknolojiyadda ee Somalia ay ka dacwooto, lana xiriirto shirkadda Google si dhakhso ah waayo shaqooyin badan oo dhinaca internet-ka ah ayaa ku xiran, magaalo dal ka tirsan basle dhinaca online dal kale ku astaysan waxay keenaysaa dhibaatooyin dhinaca sharciga ah.

128330cookie-checkGooglaha Oo Lagu Eedeeyay Iney Dhul Soomaaliyeed Ethiopia Ka Dhigaan