Puntland Oo Amar Dul-dhigtay Shaqaalaha Ajaanibta ah

Somalia news

Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Qeybta Puntland Mr.Abdiladiif Muuse Nuur ayaa amar dul dhigay Shirkadaha ganacsiga ee ka howlgalla gobalka Mudug iney si deg-deg ah u diiwaangaliyaan shaqaalaha Ajaaniibta ah ee ka howlgala gobalka.

Qoraal uu Guddoomiye Sanyare u diray xarumaha Waxbarashada, Caafimaadka, Shirkadaha dhismaha iyo Shirkadaha Ganacsiga kale ee ka howlgalla gobalka Waqooyiga Mudug inay shaqaalahooda kasoo diiwaangaliyaan xafiiska Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland ee gobalka, ilaa 30 bishan December.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa faray xafiiska Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland in la hubiyo in shaqaalaha Ajaaniibta ah ee la diiwaangalinayo la hubiyo inay u hoggaansameen shuruucda ajaanibta ah.

Dhanka Amaanka, Xoogaga Amaanka Oo kaashanaaya kuwa Sirdoonka ayaa labadii bilood ee lasoo dhaafay waxey howlgalo ka fuliyeen gobalka Mudug, iyagoo gacanta ku dhigay in ka badan 10 ruux, kuwaas oo xariir la leh kooxda Argagixisada Shabaabka.

155890cookie-checkPuntland Oo Amar Dul-dhigtay Shaqaalaha Ajaanibta ah