Greece oo Turkey Ku Eedeeyay Iney Soomaalida U Fududeeyaan Tahriibka “

World

Dowladda Greece ayaa ku eedeeyay Ciidamada Amaanka Turkiga iney dhiirrigeliyaan Kooxaha tahriibka gaar ahaan kuwa Soomaalida, iyagoo u sahla qaababka ay kamid yihiin u fududeynta fiisaha, kadibna u oggolaado muhaajiriinta inay u sii gudbaan Greece….

Maamulka Athens waxay muddo dheer ku eedeyneysay Ankara in ay hub ahaan u adeegsato tahriibka si ay cadaadis ugu saarto Midowga Yurub, Turkiga ayaa ka gadoodsan in Midowga Yurub uusan ka helo taageero aan ku filneyn si uu u maareeyo nolosha ilaa afar milyan oo muhaajiriin ah, kuwaas oo badankood doonaya in ay u safraan qaarada Yurub.

Bilihii Febraayo iyo Maarso, waxaa jiray dagaallo maalmo socday oo u dhexeeya muhaajiriinta iyo booliska xudduudda Greece iyo Turkiga kadib markii ay kordheen kacdoonka ay dowladda Greece sheegtay inay soo abaabushay Turkiga.

“Somalia, waxaan fahamsanahay in mas’uuliyiinta Turkiga, wasaaradda waxbarashada iyo wasaaradaha kale, ay kor u qaadayaan u socdaalka Turkiga,” ayuu wasiirka socdaalka Notis Mitarachi ku sheegay shir jaraa’id.

Talaadadii, ilaalada xeebaha ee Ankara waxay sheegeen inay badbaadiyeen ugu yaraan 69 magangalyo doon ah oo doomahoodii la sheegay inay ilaalada xeebaha Giriiga dib ugu soo celiyeen biyaha Turkiga.

77800cookie-checkGreece oo Turkey Ku Eedeeyay Iney Soomaalida U Fududeeyaan Tahriibka “