Damaca Farmaajo & Fahad Ee Doorashada Dalka

Somalia news

Xiisadaha ka dhashay Ajendaha qaran ee xulista Guddiyada Doorashada iyo kuwa Khilaafaadka ayaa haatan lagu lafaguray marsaxa siyaasadda Somalia, Waxaana xiligaan Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Maamulka Villa Somalia soo kala dhex galay shaki iyo madmadow ku aadan qabashashada Doorashada iney waqtigooda ku dhacayaan qaab xor iyo xalaal ah….

Mr.Farmaajo iyo Agaasimihiisa NISA, Fahad Yaasiin, ayaa qaadey talaabooyin ay dhabaha ugu xaarayaan taabo gelinta qorshahooda ku aadan iney dib talada Dalka ugu soo laabtaan xoog iyo xeeladba, talaabadaan oo sababi horseedi karta qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo uu dalka galo.

Afduubka Doorashooyinka

Bilihii ugu dambeeyay, Maamulka Farmaajo ayaa dhaqangeliyey siyaasad uu ku afduubtay qaar kamid ah Doorashooyinka Madaxtinimo ee Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle, wallow kuwo kale uu ku fashilmay, Siyaasadaan qar iska tuurka ah ayaa Mr.Farmaajo ku dhiiri gelisay inuu ku dhiirado Hanaanka afduubka Doorashada.

Marka laga reebo coddeynta HirShabelle, cod-bixinta labada maamul kale waxaa ku daatay dhiig, Balse waxay dhamaantooda ka siman yihiin boobka iyo laaluush bixinta oo lagu qiyaasayo boqolaal kun Doolar-ka Mareykanka ah, si Maamul maqaar saar ah loo dhiso, kadibna danaha lagu fushado.

Midowga Murashaxiinta oo muddo dheer ka digaayay Talaabooyinka Uu Maamulka ku doonaayo iney isku kooban talada iyo Qaabka Doorashada, waxeyna ku qeexeen “isku day la doonayo in lagu boobo doorashooyinka soo aadan”, iyagoo ku goodiyey inay qaadayaan talaabo hadii madaxda ku adkeysato hanaanka “ku shubashadda”.

Is-mari-waaga ayaa wali taagan, waxaana daneeyeyaasha maxaliga iyo kuwa caalamiga ah ay ku baaqayaan in wada-ogol lagu helo sidda ugu dhaqsiyaha badan si waqtiga uusan u dhamaan iyadda oo khilaafka jiro.

Xubnaha lagu muransan yahay ayaa ka kala tirsan Guddiyadda doorashooyinka heer Qaran, heer dowlad goboleed iyo xulista wakiilada Somaliland. Kala dirida waa xalka ugu wanaagsan ee dalka uga badbaadi karo qalalaase.

77830cookie-checkDamaca Farmaajo & Fahad Ee Doorashada Dalka