Kulan Wada Tashi Ah Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdishu

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan wada tashi ah oo ay Magaalada Muqdishu ku yeesheen Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan iyo Xildhibaano ka tirsan Beesha, waxaana kulankaasi looga dooday Khilaafka ka dhashay Doorashada ka dhacday Magaalada Jowhar ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle….

Kulankaan oo ka dhacay Hotelka Ugaaska uu deganyahay ayaa looga hadlay xaaladda Beledweyne, xildhibaanada ayaa Ugaaska Xasan ka dalbaday in tabashada reer Hiiraan ay ka qabaan dhismihii labaad ee Hirshabelle wada hadal lagu dhammeeyo.

Ugaaska ayaa ka biya diiday qorshaha Xildhibaanada wuxuuna carabka ku dhuftay in mowqifkiisii hore uu weli ka taaganyahay dhismaha Hirshabelle isla markaana uusan aqoonsaneyn wax Hirshabelle la yiraahdo.

Ugaas Xasan ayaa Xildhibaanada u sheegay in uu doonayo in Gobolka Hiiraan uu hoostago muddo Labo sanno ah oo soo aadan Dowlada dhexe ee Somalia sida uu qabo Dastuurka kumeel-gaarka ah, isla markaasna aan lagu qasbin iney oggolaadaan oo aqbalaan Doorashada ka dhacday Magaalada Jowhar.

77770cookie-checkKulan Wada Tashi Ah Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdishu