Guddiyada Doorashada Oo Ku Dhawaaqay Iney Hakiyeen..

Somalia news

Guddiyada Doorashada Doorashada Dadban ee heer Federaal (Fiet) iyo kan Maamulada Gobolada ayaa ku dhawaaqay iney hakiyeen Xukashadii dadbaneyd, iyagoo sheegay iney dacwad ka qabaan Qaabka Xilalka looga eryay 7-xubnood ee Guddiga xalinta Khilaafaadka..

Qoraalka ay soo saareen ayaa lagu cadeeyay xasaanada Xubnaha Guddiyada iyo Sida xilka ay waayi karaan iyo awoodaha loo adeegsaday eryida 7-xubnood Ee Guddiga Xalinta Khilaafaadka, iyadoo talaabadaan ay u muuqato mid culeys lagu saaraayo Wasiirka 1-aad ee Dowladda Xil gaarsinta Mr.Rooble.

Waxey sheegeen ineysan sii wado karin Howlaha Doorashada inta ay ka maqan yihiin Guddiyada Xalinta Khilaafaadka isla markaasna laga saxaayo xiisada ka dhalatay Eryida Guddiga, iyagoo sheegeen iney hakiyeen Howlaha Doorashada oo dhan, Qoraalka ayaa waxaa ku saxiixa Guddiga Doorashada heer Federaal iyo 7-Gudoomiye Ee Guddiyada Doorashada ee Gobolada.

157100cookie-checkGuddiyada Doorashada Oo Ku Dhawaaqay Iney Hakiyeen..