QM Oo Ku Dhawaaqday Deeq Dhaqaale Oo Dhan 17-Millions

Somalia news

Qaramada Midoobay iyo Hey’addaha Gargaarka ee Somalia ayaa soo saaray Qorshaha 2022 ee Waxqabadka Bani’aadantinimo ee Dalka, xili Somalia ay weysay saddex xilli roobaad oo xiriir ah markii ugu horreysay muddo 30 sano ah…

Qorshaha 2022 ee wax-kaqabadka arimaha bini’aadanmimada waxa uu doonayaa ku dhawaad $1.5 bilyan oo doolar si loo caawiyo 5.5 milyan oo ka mid ah dadka ugu liita Somalia. Si loo daboolo baahiyaha degdega ah oo ay abaaruhu sababeen, waxeyna $17 milyan oo dollar ka soo saaraysaa Sanduuqa Waxqabadka Degdegga ah ee Dhexe (Central Emergency Response Fund- CERF), taasoo ka dhigaysa maalgelinta CERF ee Somalia 2021 ilaa $52 milyan oo dollar.

Deeqdani waxay dheeraad ku tahay ku dhowaad $60 milyan oo doolar oo ay deeq-bixiyeyaashu siiyeen Sanduuqa Bani’aadamnimada ee Soomaaliya (Somalia Humanitarian Fund-SHF)“Nolosha dadka Soomaaliyeed waxay ku jirtaa khatar, mana loo baahno waqti in la lumiyo,” ayuu yiri Madaxa Arrimaha Gargaarka ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths. “Si loo badbaadiyo nolosha dadka Soomaaliyeed, loogana hortago masiibo bini’aadantinimo, waa inaan hadda sii deynaa maalgelinta si dadku ay uga badbaadaan gaajo iyo faqri hor leh.

Qiyaastii 7.7 milyan oo Soomaali ah ayaa u baahan doona gargaar bini’aadantinimo oo kala duwan sanadka 2022, taasoo muujineysa kororka boqolkiiba 30 baahida hal sano gudaheeda.

157140cookie-checkQM Oo Ku Dhawaaqday Deeq Dhaqaale Oo Dhan 17-Millions