Faahfaahin ayaa laga helayaa Kulanka Guddiga Farsamada ee ka socday dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee ku shiray Baydhabo, waxeyna shaaciyeen in xal laga gaaran qodobadii la isku hayay ee caqabada ku ahaa hirgelinta doorashada….
Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Ilaa 5-qodob oo kala ahaa Arrinta Guddiga doorashada ee lagu muransanaa, Arrinta Somaliland iyo Xaalada Gobolka Gedo ayay sheegeen in xal laga gaaray, inkastoo aanay faahfaahin qaabka xalka uga gaareen, iyagoo ku gaabsaday inay Madaxda la wadaageen.
Waxaa ay soo jeediyeen in shir isugu yimaadaan Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 18 bishan, balse ma aanay sheegin goobta lagu shiri doono.
955300cookie-checkGuddiyada Ku Shirsan Baydhabo Oo Heshiiyay