Wararka La Xiriira Banaanbaxyada Iyo Cabsi Villa Somalia

Somalia news

Todobaadkaan Waxaa hadal-haynta ugu badan ee shacabka is-weydiinayaan waa bannaanbaxa jimcaha ee 19-bishaan, Midowga Musharixiinta sida wada jirka ah ugu baaqeen, iyadoo cabsi xoogan oo hurdada u diiday uu ka qaaday Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday….

Waxaa muuqata in saamayntiisa iyo Abaabulka Banaanbaxyada laga dareemay gudaha iyo dibaddaba, Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo oo caado ka dhigtay in News Maalinta uu dul saaro News kale si saameynta iyo falanqeynta ay noqoto mid nuxuusisa News Banaanbaxa:-

Warar hordhaca ah ayaa tilmaamaya in Kooxda Indhasarcaadka iyo Quraafaadka ay soo jeediyeen in la qalo Dameero iyo Ido si loo cabsi geliyo Shacbiga Magaalada, Halka warar kale ay sheegayaan in la siidaayo inuu Ka tanaasulay Gobolka Gedo oo Maamulka Doorashada lagu wareejiyo Maamulka Jubbaland, Warar kale ayaa sheegaya in Ciidamo Haramcad ah oo tiradoodu 50-askari oo Tababaro gaaban ugu maqan laga dhigo in la soo celiyay Wiilashii Eritrea tababarka ugu maqnaa.

-Xog 3-aad ayaa tilmaameysa in Laga yaabo inuu is-casilo Adeege Fahad Yasin Madaxa NISA.

95470cookie-checkWararka La Xiriira Banaanbaxyada Iyo Cabsi Villa Somalia