Ma Dhabaa in Qadiyadii Aqoonsi Raadinta ay soo Af-jartay Dagaalka lagu Burburiyay Magaalada Laas caanood

Somalia news

Inkastoo Degaanada Maamulka Gooni goosadka ee Somaliland oo markii hore lagu tirin jiray iney degaanadaasi ka jirto Xasilooni iyo Nabad, ayaa Hogaanka Maamulkaasi wuxuu Dadka degaanka u horseeday in kala shaki soo dhex galo isla markaasna Beelaha qaba dood aragtidooda xoog lagu muquuniyo oo la caburiyo…

Khubarada ku xeel dheer arrimaha gudaha Somalia ayaa ka digay in sii socoshada dagaalka lagu burburinaayo Magaalada Laas caanood ay sii kordhin karto dhimashada, khasaaraha ka dhasha iyo Barakicinta Dadka Rayidka ah, iyadoo ku dhawaad 200-Kun oo Qof ay Guryahoodii ka qaxeen.

Iyadoo Dagaalo culus ay mar kale ka dhaceen Waqooyiga iyo Galbeedka ee duleedka Magaalada aroortii hore ee Sabtidii tagtay kaasoo khasaare ba’an gaarsiiyay labada dhinac iyo Dhismayaasha magaalada kadib markii Madaafiic aan loo meel dayin ay Maleeshiyaadka Muuse Biixi ku duqeeyeen.

Isku dhacyadaan ayaa imaanaya xilli ay jirto wakaac isa soo taraaya oo ku aadan xasilooniada Gobolka iyo suurto galnimada in gacan ka hadal kale uu dhacdo raadna ku reeba saameynta Adeegyada iyo Daryeelka xarumaha Caafimaadka gaar ahaan Xarunta Kalabeyd oo magaalada u jirta 35-KM, waxaana la sheegay in Gargaar loo sida magaalada la geeyay Magaalada Garoowe.

Maamulka Villa Somalia oo lagu eedeeyay iney ka gaabiyeen dadaalada lagu joojinaayo Dirirtaan, ayeey tala xumadoodu gaartay iney Ergay u Magacaabeen Wada hadalada kaasoo la sheegay inuu dhinac la safan yahay, iyadoo lagu tilmaamay magacaabistaan mid aan faa’iido u laheyn bacdamaa uu socdo Xasuuq u muuqda isri sifeyn ay wadaan Horgalada Maamulka Hargeysa.

249380cookie-checkMa Dhabaa in Qadiyadii Aqoonsi Raadinta ay soo Af-jartay Dagaalka lagu Burburiyay Magaalada Laas caanood
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com