Dagaalo Xalay Ka Dhacay Konfurta Mudug

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa degaanka Jiic-dheere ee Koofurta Mudug isla markaana hoostaga Bacaadweyne ayaa waxaa mar kale ka dhacay dagaal sababay dhimasho & dhaawac oo dhexmaray Dadka deegaanka iyo Kooxda Shabaab…..

Wararka ayaa sheegay inta la xaqiijiyay labo qof ayaa geeriyootay, halka saddex kale dhaawac soo gaaray kadib markii xalay dagaal uu dhexmaray Dad deegaan ah & Kooxda Shabaab sida ay Warsidaha Diinah.con news u sheegeen ilo kala duwan oo ku sugan Gobolka Mudug.

Muddo bilooyin ah waxaa ka taagan Saan-saan dagaal ayaa ka jirta Koofurta Gobolka Mudug oo ay ku dagaalameen Dad deegaan ah, Ciidamo katirsan qaybta 21-aad oo dhinac ah & Kooxda Shabaab, waxaana deegaannada qaar lasoo sheegayaa in dadkii degayaa in ay isa baxeen sababo amni.

Ciidamo ka tirsan qaybta 21-aad ee Xoogga Dalka ayaa gurmad ahaan ugu tagay dadkaan la sheegay in ay yihiin deegaanka isla markaana is uruursaday, waxaana lasoo warinayaa in ilaa haatan dhaq-dhaqaaqyo ciidan in uu ka jiro deegaanno dhowr ah oo katirsan Koofurta Mudug.

95570cookie-checkDagaalo Xalay Ka Dhacay Konfurta Mudug