Guddoomiyihii degmada Hodan C/xakiin Dhagajuun ayaa xalay saqdii dhexe lagu dilay magaalada Muqdisho, kaddib rasaas Ciidamo ka tirsan kuwa Boliiska ay ku fureen gaarigiisa, xilli uu Marxuumka uu marayay agagaarka Jid Mareexaanka ee degmada Howlwadaag..,,
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilka Guddoomiyaha oo shalay ku soo laabtay Muqdisho, kaddib howlo caafimaad ugu maqnaa dalka Turkiga, kaddib dhaawac sanadkii hore ka soo gaaray qarax lagula eegtay Muqdisho.
Waxaa la sheegay in isla xalay falka dilka loo Xiray Taliyayaasha Saldhigyada Boliiska Degmooyinka Howlwadaag iyo iyo Waberi Shuceyb iyo Mooshin falkii xalay lagu qaarijiyay guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Dhagajuun.
Warar hoose oo aan helay ayaa sidoo kale sheegaya in Boliiska ay baadi goobayaan askari watay qoriga loo yaqaanno BKM oo ah askarigii rasaasta huwiyay gaariga guddoomiyaha, kaasoo sida aan wararka ku helay baxsaday.
Waxey qaarkiin is weydiinayaan waxa taliyaha degmada Waaberi ka quseeyo maadama falku ka dhacay Howlwadaag, waxaase jirta in labbada degmo ka wada tirsanyihiin qeybta Weliyoow Cadde, degmooyin walba oo ka tirsan qeybaha gobolkana isla sameeyaan howlgallada, waxaana xalay shaqadaas lahaa iyaga.