Amisom Oo Ciidamo Xoojin ah U Diray Madaxtooyada

Somalia news

Xoogaga Hubeysan ee Mucaaradka oo ka baxay xalay Fariisimada madaxtooyada Cabdiqaasim ayaa lagu sababeeyay in Amisom oo Ciidamo dheeraad ah geysay Villa Somalia. Barakac xoogleh oo ka bilaawday Muqdisho iyo Ciidan taabacsan Farmaajo oo xiray Daljirka…

Ilo xogogaal ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Farmaajo uu weydistay Ciidamo dheeraad ah oo kuwa Amisom ah, kadib markii ay Madaxtooyada ku soo dhowaadeen Xoogaga Hubeysan ee Mucaaradka, waxaana la sheegay ilaa 7-Gaari oo kuwa Qafilan ee Amisom ay gaareen Xarunta Madaxtooyada, waxaase la isweydiinayaa sidii ay kooxaha Siyaasada isku heysta Ee Soomaalida Sida ay dhinac ula safan karaan iyo waxa ka dhalan kara.

Dhanka Warar ayaa sheegaya in Ciidamada ilaalada ka ahaa Wasaarada Gaashandhigga ay ka guureen iyagoo u ruqaansaday Xarunta Madaxtooyada, waxaana la sheegay in Xoogaga Hubeysan ee Mucaaradka ayaa la sheegay iney isku diyaarinayaan sidii ay ula wareegi lahaayeen. Dhismaha Xaruntaasi.

114850cookie-checkAmisom Oo Ciidamo Xoojin ah U Diray Madaxtooyada