Dhaliilo Laga Soo Saaray Hab-Dhaqanka hooseya Ee Diblomaasiyiin ka Howlgasha Mogadishu

Somalia news

Waxaa qeylo dhaan & cabasho laga keenay Hab-dhaqanka hooseya iyo fara gelinta qaawan ee joogtada ah oo ay Danjirayaasha Dowladaha Turkiga, UAE & Qatar ku hayaan Madaxda sare ee Dowlada Federaalka kuwaasoo joogto ka dhigay iney Balan la’aan tagaan Xafiisyada Dowlada iyagoo aan soo marin Wasaarada Arrimaha Dibeda…

Nidaam hooseeya ay Danjirayaasha 3-da Dal ee kor ku xusan ayaa sidoo kale waxaa saameyn ku yeesheen Wakaaladaha Wararka, Raadiyayaasha & Web-saadyada kuwaasoo ”Sharuur” yar lagu siiyo si ay baahiyaan Wararka la xiriira Danjirayaashaan oo booqda Xafiisyada Madaxda sare ee Dalka balan la’aan.

Aqoonyahan Soomaaliyeed oo ka damqaday fowdada Diblomaadiyadeed ee ay wadaan Safiiradaan ayaa soo jeediyay Wasaarada Arrimaha Dibeda ay Nidaam raad raac leh (Protocol) u dejiso Diblomaasiyiinta ka howl gala Somalia, Safiirkii ku xad gudbana la la xisaabtamo, Sidoo Digniino loo jeediyay Madaxda Dowlada Federaalka ineysan qaabilin Safiiro aan soo marin Waaxda Hab-maamuuska Wasiirada Arrimaha Dibeda.

Loolanka Dowladahaan oo aan dani ugu jirin Dalka, ayaa meeshii ugu sareysay gaaray, wuxuuna salka ku hayaa iney ka dhabeeyaan difaaca danahooda siyaasadeed & saameynta siyaasada Arrimaha Dibeda ee Somalia, kadib markii uu isbedel ku yimid Hogaanka Dalka, Qatar iyo Turkiga oo dhinac ah ayaa waxaa xifaaltan kala dhaxeeya UAE, waxeyna ku tartamayaan Sidii ay sad buursi ugu heli lahaayeen Dhaqaalaha Dalka, iyadoo Shacbiga Soomaaliyeed uusan wax faa’iido ah ugu jirin Dagaalka Dalalkaan ka dhaxeeya.

193460cookie-checkDhaliilo Laga Soo Saaray Hab-Dhaqanka hooseya Ee Diblomaasiyiin ka Howlgasha Mogadishu