Qorqor Oo Xirtay Wariyayaal Magaalada Dhuusa mareeb

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay wariyayaasha kala ah Maxamed Cabdiwali Tooxoow iyo Cabdullaahi Warsame Rooble oo labaduba ka howlgal deegaannada Galmudug….

Wariyayaasha xabsiga la dhiggay ayaa ka hor inta aan saldhig Boliiska looga yeerin waxaa la sheegay in ay iska soo duubeen muuqaal ay dadka ku wargalinayaan inay soo gaarayaan hanjabaado isugu jira dil iyo xarig uga imanaya madaxtooyada Galmudug.

Hasse ahaatee muuqaalkaa kaddib ayaa la sheegay in labada wariye laamaha nabad-galyadu amreen la xiro, sidoo kale xarigooda ayaa imanaya xili madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uu sheegay in ay jiraan rag wariyayaal ah oo buunbuuniya weerarrada Kooxda Shababka tallaabo sharci ahna laga qaadi doono sida uu hadalka u dhigay Qorqor.

88510cookie-checkQorqor Oo Xirtay Wariyayaal Magaalada Dhuusa mareeb