Koox Hubeysan oo Haweeney ku Dilay Degmada Cabud waaq & Sababta..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay xalay ku dileen gudaha degmadaas haweeneey caan ka aheyd, iyadoo goob u dhow gurigeeda oo ku yaala Xaafada Ubax ee Degmada..

Wararka ayaa sheegaya in Marxuumada lagu magacaabi jiray Foos Aadan Nuure Xuubeey, iyadoo kooxaha dilay ay ahayeen burcad hubeysan kuwaasoo ka dhacay Mobeylkii ay wadatay Haweeneyda, Xoogaga Amaanka magaalada Caabudwaaq ayaa dilka kadib gaaray goobta, kuwaas oo la sheegay iney gacanta kusoo dhigeen Eedeysanayaal dhowr ah oo lagu tuhmayo iney ka dambeeyaan dilka.

Dadka ku nool Degmada Caabudwaaq ayaa si weyn u hadal haaya dhacdadaan kooxaha hubeysan ay xalay ku dileen haweeneeydaan lagu magacaabi jiray Foos Aadan Nuur oo si weyn looga garanaayay Caabudwaaq.

306680cookie-checkKoox Hubeysan oo Haweeney ku Dilay Degmada Cabud waaq & Sababta..