Maamulka Masaajidka Sheikh Cali Jimcaale oo hadlay Dhacdo masajidka ka dhacday Salaaddii Ciida..

Somalia news

Maamulka Masaajidka Sheikh Cali Jimcaale ee magaalada Muqdisho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay, waxay ugu yeereen munkar ka dhacay Masaajidka xilli lagu jiray salaaddii ciidul fidriga ee maalintii shalay, taasoo ay ku tilmaameen wax laga xumaado..

Maamulka masjidka ayaa shir jaraa’id ku sheegay in ragga iyo dumarku ay is dhexgaleen intii salaadda lagu jiray, dhacdadaasi oo ay ku tilmaameen fool xumo weyn oo ka fog diinta islaamka iyo aqlaaqda islaamka.

Maamulka Masaajidka ayaa sheegay dhacdadaan ay ku dhacday kadib markii Masaajidka ay soo buux dhaafiyeen kumanaan kun oo shacab ah kuwaasoo kala yimid magaalada Muqdisho, waxeyna sheegeen in la waayay meel dadka lagu kala nidaamiyo.

Iyagoo sheegay in qaar kamid ah raggii ay dhex galeen qeybtii dumarka ay ku tukanayeen, arrintaasoo ay ku tilmaameen mid ku dhacday qaab aan ku talo gal ahayn, iyo nidaam xumada timid markii masaajidku buux dhaafay, Waxay sheegeen in ciidamada amniga iyo kooxaha nidaamka ilaalinayay loo awood sheegtay oo ay xamili waayeen culayska badan ee kaga yimid qulqulka dadka.

252800cookie-checkMaamulka Masaajidka Sheikh Cali Jimcaale oo hadlay Dhacdo masajidka ka dhacday Salaaddii Ciida..