Wararka naga soo gaaraya degaan ka tirsan Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Dabley ka tirsan Kooxda Argagixisada Daacishta Somalia ay xalay Xiligii salaada Cisha ay ku dileen Gudoomiyhii degaanka isla markaasna ay qabsadeen degaanka…
Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Marxuumka la Dilay lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Muumin kaasoo ahaa Gudoomiyaha degaanka Balidhidin oo ka tirsan Gobolka Bari, xili uu ka soo baxay salaada Cisha, iyadoo dhaawacay qof rayid ah oo goobta ka ag dhowaa.
Maleeshiyaadka Daacishta Somalia oo ku dhuumaaleysta Degaanada Buuraleyda ah Ee Puntland, Waxaa hogaamiya Horjooge Cabdulqaadir Muumin oo horey uga tirsanaa Kooxda Shababka, iyadoo la sheegay in degaanka ay dhowaan ka baxeen Xoogaga Amaanka Puntland.
1362200cookie-checkGudoomiye Degaan Hoos taga Puntland Oo La Dilay