Iska horimaad Khasaare Geystay oo ka dhacay Magaalada Guriceel..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska horimaad hubeysan oo xalay fiidkii ka dhacay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, Iska horimaadkan ayaa ka dambeeyay, kadib markii Ciidanka Boliiska ay weerareen goob ay ku sugnaayeen kooxo ay la xiriiriyeen falal amni daro…

Wararka ayaa sheegaya in 2-Qof ayaa ku geeriyoodeen iska horimaadka ka dhacay magaalada, halka afar kalena ay ku dhaawacamweb, Labada qof ee dhintay mid wuxuu ka tirsanaa Boliiska Guriceel, halka kan kalena uu ka tirsanaa Xoogaga Macawiileyda, Dadka dhaawacmay oo rayid ay ku jiraan ayaana la dhigay Isbitaalka Shifaa.

Koox ka tirsan Ciidanka Boliiska ayaa Salaaddii Maqrib kadib ka dhaqaaqay Saldhigooda Guriceel Waxeyna weeraray goobtaasi, oo ku taala xaafadda Tawakal, gaar ahaan halka loo yaqaano (Tuulo Gaban), Iska horimaadkan ayaa qalqal ku abuuray dadka Degaanka oo bilowgii hore ku jahwareeray cidda uu dagaalku u dhaxeeyo.

286260cookie-checkIska horimaad Khasaare Geystay oo ka dhacay Magaalada Guriceel..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com