Ku Biiritaanka Somalia ee Suuqa EAC & Saameynta Maamulada Gobolada Dalka

Somalia news

Dalka Somalia oo xilli sii horeysay codsi u gudbisay ku biiritaanka Urur Goboleedka EAC, si ay uga mid noqoto, waxeyna haatan hal talaabo u jirtaa iney ka mid noqoto ama loo diiday ka mid noqoshada Suuqaasi, waxaase soo shaac baxaaya isbaarooyin ay Maamulada Dalka ku doonayaan iney u dhigtaan si ay Saami xileed uga helaan hadii la oggolaado…

Wararka ayaa sheegay in Maamulka Puntland oo xiriirkii wada shaqeynta hoos u dhigtay Dowladda Federaalka halka Maamulka Hargeysa ay sheegteen iney goosteen Somalia inteeda kale inkastoo ayaan weli helin aqoonsi ayaa laga cabsi qabaa iney caqabado ku noqdaan ama dib u dhacyo ku yimaadaan ku biiritaanka Somalia ee Suuqa EAC.

Xiligaan Dalka wuxuu doortay Nidaamka Federaalka oo kaasoo qeexaaya heerarka awoodaha iyo Mas’uuluyadaha, iyadoo lagu guda jiro geedi socodka nidaam Federaal ah oo dhameystiran lagu gaari karo, iyadoo ay soo shaac baxaayaan baaqyo loo jeedinaayo Maamulada qaarkood oo lagu eedeeyay iney dantooda ka hormarinayaan Danta guud iyo horumarinta Dalka.

242740cookie-checkKu Biiritaanka Somalia ee Suuqa EAC & Saameynta Maamulada Gobolada Dalka