Loolanka Kuraasta Xildhibaanada Ee Gobolka Gedo Oo Dib U Soo Laba-Kacleeyay

Somalia news

Madaxda Maamulada Gobolada, kuwa Villa Somalia iyo Midowga Musharixiinta ayaa Olole xoogan ugu jira sidii ay awood iyo saameyn dheeri ugu yeelan lahaayeen marxalada xiliga kala guurka iyo Arrimaha Doorashada, iyagoo adeegayaal aan awood badan laheyn ka dhigayaa Guddiyada Doorashada dadban ee Heer Federaalka iyo kuwa Gobolada…

Maalmahaan waxaa soo shaac baxay Khilaafka u dhaxeeya Guddiyada Doorashada oo laba garab u kala jabay lana kala saftay Maamulada Gobolada iyo Villa Somalia, Khilaafkaan ayaa soo shaac baxay kadib markii Farmaajo iyo Fahad ay ku amreen Gudoomiyaha Guddiyada Doorashada inuu soo saaro Hanaan Doorasho Ee Xildhibaanada Baarlamaanka oo aan la isku raacsaneyn, si khalkhal loo geliyo Shirka Guddiga wadatashiga Qaran oo todobaadkaan ku kulmaaya Mogadishu.

Sida ay xaqiijiyeen ilo xogogaal ahi 5-ta Maamul Goboleedyada ayaa si Guud isku raacsan iney isku aragti ka noqdaan Doorashada dadban ee Xildhibaanada, isla markaasna ay awood dheeri ah ku yeeshaan geediga Doorashada, inkastoo ay jiraan qodobo ay ku kala aragti duwan yihiin.

Dagaalka ugu adag ayaa la saadaalinaaya inuu ka dhex qarxi doono 16-Kursi-Xildhibaan Ee Gobolka Gedo oo Farmaajo qorsheystay inuu Dhamaan boobo halka Sheekh Axmed Madoobe uu diyaaraaday qorshe uu Tiro Xikdhibaano taageersan ku yeesho Gobolka Gedo ka soo saarto, iyadoo Hanaanka Doorashada qodobo ku jira la doonayo in la beelo gaar ahaan 5-ta Xubnood Ee soo saaraya ergada Doorashada ay soo magacaabaan Maamulada Gobolada, Halka Guddiyada Doorashada ay doonayaan inuu soo magacaabo duubka ugu Sareeya Beesha kursiga iska leh.

Farmaajo waxaa ku adag inuu liqo in Sheekh Axmed Madoobe soo magacaabo 5-ta Xubnood isla markaasna saameyntiisa Doorashada banaanka laga dhigo, isagoo laga soo inuu ka xigi dagaal in 16-xubnood Ee Beeshiisa uu maamulo Axmed Madoobe.

136250cookie-checkLoolanka Kuraasta Xildhibaanada Ee Gobolka Gedo Oo Dib U Soo Laba-Kacleeyay