Gudoomiye Lagu Jir-Dilay Xarunta Gobolka Benadir

Somalia news

Guddoomiyaha Degmada Warta Saynab Xaabsey ayaa loola cararay Isbitaalka Erdogan ( Ex Digfeer) kadib markii Askari ka tirsan Ciidamada dowladda uu ku dhuftay qori Baadkiisa….

Saynab Xaabsey oo sii galeysay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa muran xoog leh soo kala dhex galay Askarta iyada illaalinaysay & Askarta illaalada Xarunta Gobolka.

Labada Ciidan oo isku gacan qaaday ayaa waxa ay isku dayday Guddoomiye Zaynab inay kala dhex gasho, balse Askari ka mid Ciidamada illaalada Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ku dhuftay qoriga Baadkiisa.

Saynab Xaabsey ayaa jug xoog leh waxa uu ka soo gaaray feeraha, waxaana loola cararay Isbitaalka Digfeer, halkaasi oo la seexiyay, inkastoo xaaladeeda lagu sheegay mid degan, waxaana Isbitaalka ku booqday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Filish, iyadoo dhaqaatiirta Isbitaalka ay la tacaalayaan xaaladda Guddoomiye Saynab.

50000cookie-checkGudoomiye Lagu Jir-Dilay Xarunta Gobolka Benadir