Horgalaha WorldRemit Oo Joojiyay Xiriirkii iyo Adeegii Xawaalada Telesom Somaliland & Sababta..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Horgalaha Shirkadda Xawaalada ee World Remit ayaa soo saaray go’aan uu ku joojinaayo isticmaalka Adeegyada Zaad-ka (Hormuud), isagoo ku sababeeyay dagaalka kala dhaxeeya Shacbiga & Dowlada Federaalka Somalia…

Wararka ayaa sheegaya in Horgalaha WorldRemit Mr.Ismaaciil Axmed oo muddo waday olole lagu joojinaayo adeegsiga Ganacsiga shirkadda Hormuud Telecom Somalia, shirkadda Telesom oo hoos timaada Hormuud kana howlgaaho degaanada Somaliland, wuxuuna ku eedeeyay Gudoomiyaha Shirkadda Hormuud inuu dagaal dhaqaale kula jiraa Somaliland.

Mr.Ismaaciil oo Wakgtiyadii ugu dambeeyay dhex maquurtay siyaasada si bareer ahna ula saftay una taageeray Heshiiska Is-fahamka ee ay kala saxiixdeen Ethiopia iyo Maamulka Gooni goosadka Waqooyiga Somalia ayaa qoraalka ku xusay in 23-04-2024-ka ay shirkadiisu joojin doonto adeega Mobile-ka ee Xawaalada iyo Account-yada kala dhaxeyso Telesom Somaliland, balse Adeegyada kale iyo Dahabshiil uu sidiisii u shaqeyn doono.

310840cookie-checkHorgalaha WorldRemit Oo Joojiyay Xiriirkii iyo Adeegii Xawaalada Telesom Somaliland & Sababta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com