Sheekh Shariif Oo Beeniyay “Inuu Tanaasulay”

Somalia news

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna Musharax Madaxweyne Doorashada 10-ka October Sanadkaan ayaa ku beeniyay inuu ka tanaasulay tartanka la filaayo in la qabto…

Mr.Shariif oo haatan hogaamiya Midowga Musharixiinta iyo Xisbiga Himilo ayaa qoray “Waxaan had iyo goor aaminsannahay dimuqraadiyadda iyo in lagalo tartan xor ah, ku salaysan aragti siyaasadeed iyo isbahaysi, taasoo aan waqti soo galinnay welina aan u taagannahay”.

“Sidaa darteed waxaan rabaa inaan caddeeyo inaysan waxba kajirin wararka ku saabsan shir ay yeesheen waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha mudullood oo lagu gaaray heshiis isku tanaasul ah oo la dhex dhigay murashaxiinta qaar”. ayuu ku qoray Bartiisa Facebook.

133030cookie-checkSheekh Shariif Oo Beeniyay “Inuu Tanaasulay”